Sida ay Saab TV u xaqiijiyeen ilo aad ugu dhuun daloola arrimaha siyaasadda Soomaaliya, waxaa habeenimadii xalay kulan dhex maray madaxwaynihii hore ee Soomaaliya, sidoo kale ah guddoomiyaha madasha xisbiyada qaran, mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed, iyo taliyaha haayadda sirdoonka Soomaaliya Fahad Yasiin.

Kulankan, ayaa la sheegay inuu qaatay muddo saacado ah, ayaa sida ay wararku sheegeen ka dhacay guriga madaxwayne Sheekh Shariif, kasoo uu hore u codsaday sida la sheegay, taliyaha nabad-sugidda Soomaaliya Fahad Yaasiin, lagana aqbalay.

Wararka ayaa Saab TV u xaqiijiyay, in kulankan lagu soo qaaday arrimo door ahaa, kuwaas, oo ay kamid ahaayeen arrimaha xidhiidhka mucaaradka iyo dawladda, iyadoo ay wararku sheegeen inuu taliyaha sirdoonku werwer ka muujiyay xaaladda dalka iyo xasaradda ka dhex taagan madaxwayneyaashii hore, arrimo la xidhiidhi dhanka beel cadhootay iyo sidii looga wada shaqayn lahaa arrimaha dalka.

Fahad Yaasiin, oo isagu imika haya jago kamid ah kuwa ugu muhiimsan ee dawladda Soomaaliya, ayaa ahaa welina ah nin aad uga soo dhex muuqaan warbaahinta, kaasoo baryihii dambe waday dhaqdhaqaayo kala duwan oo ay dad badani u riyaaqeen.

Kala soco Saab TV, wararkii ugu dambeeyay adduunka, markasta iyo meel kasta, ballanteennu waa Saab TV.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga