Siyaasadihii Trump ayaa meesha laga saarayaa saacadaha hore ee xukuumadda cusub ee Joe biden ay talada qabato.

Xoghayaha arimaha dibadda ee isu diyaarinaya in uu bedelo Pompeo ayaa ku dhawaaqay in ay gabi ahaanba dib u eegis ku samayn doonaan siayaasadihii Maraykanka ee Donald Trump uu dunida kula macaamilay afartii sanno ee uu majaraha u hayay Aqalka Cad.

Maraykanka ayaa soo celin doona wada-hadaladii uu la lahaa Iran, Kuuriyada Waqooyi, iyo wadamo kale.

Maraykanku wuxuu jarayaa taageerada uu siiyo is-bahaysiga uu Sucuudigu hor kacayo ee ka dagaalamaya Yemen. Waxay saamayn doontaa hub ay xulafadu ka hesho Maraykanka iyo sirdoonka oo caawin jiray weerarada ay ka fuliyaan gudaha Yemen.

Arimaha difaaca, Maraykanku wuxuu dib u bilaabayaa is-xulafaysi ka dhan ah awoodda kordhaysa ee Shiinaha ee dhanka milatariga. 

Afartii sanno ee ugu danbeeyay, Maraykanka waxa siyaasadiisa arimaha dibaddu ay ku salaysnayd danta Ameerika oo la horaysiiyo, taas oo Maraykanka dhaxashiisay in uu go’doon ka galo saaxibadiisii dhawaa ee reer Yurub, kana cadhaysiiso xulafooyinka kale ee NATO ay ka mid ahayd. Wuxuu mawqifyo adag ka qaatay Iran iyo Shiinaha. Trump wuxuu qabay in siyaasadiida ay Ameerika ku macaashtay.

Bariga dhexe, maamulka Biden wuxuu sii xoojinayaa heshiiskii ay qaar ka mid ah wadamada carabtu la gaadheen gobolka samayska ah ee Israa’iil. Siyaasadda arimaha dibadda ee Maraykanka ayaa sii ahaan doonta mid difaacda jiritaanka Israa’iil, balse si ka duwan siyaasadii Trump, Biden wuxuu raadin doonaa xalka ah laba waddan oo Israel iyo Falastiin kala ah, si loosoo afjaro colaada Falastiin iyo Israa’iil. Waa qorshe ay adagtahay dhaqan galintiisu marka la eego xaqiiqada ka jira gudaha.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga