Maamulada Jubaland iyo Puntland ayaa soo magacaabay gudiyo doorasho oo dhanka maamuladooda ah, sida ku xusnayd heshiiskii bishii September la galay.

Magacaabista gudiyadan ayaa ka mid ahaa arimaha hor taagan hir galinta doorashada heer federaal ee Soomaaliya, waxaana ay qayb ka tahay in dhinacyadu ay heshiis gaadhaan.

Hanaanka ay maamuladu gudiyadan u magacaabeen ayaa baal marsan hab-raaca sharci ee loo magacaabo gudiyada doorashada.

Xubnaha ay Jubaland iyo Puntland soo xuleen ayaa kala ah:

Gudida maamulka Puntland

1- Cabdikariim Muuse Maxamuud
2- Muuse Cabdulqaadir Ducaale
3- Axmed Cabdi Maxamuud
4- Caynaanshe Yuusuf Xuseen
5- Caydaruus Axmed Faarax
6- Cabdirisaaq Cabdulle Faarax
7-Farxiya Xuseen Maxamuud
8- Canab Xaaji Saleebaan Warsame

Gudida maamulka Jubbaland

1- Siyaas Maxamed Mursal
2- Axmed Maxamuud Cumar
3- Axmed Cabdi Nuur
4- Zamzam Faarax Abuukar
5- Maxamed Cusmaan Gaab
6- Ibraahim Aadan Ibraahim
7- Axmed Yuusuf Maxamed
8- Abuukar Nuur Cabdi

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga