Doorashada madaxtinimada dalka Faransiiska ayaa si rasmi ah uga bilaaban tay deegaanada dalkaas oo dhan.

Murashaxiinta ugu cad cad doorashada waa madaxweynaha imika ee Faransiika, Emanuel Macron, iyo gabadha la yidhaahdo Marine La Pen.

Macron waa xisbiga siyaasadaha dhex dhexaadka ah aaminsan, halka La Pen ay kasoo jeedo xisbiyada Midigta Fog ee Islaamka iyo soo-galootiga neceb.

12 saacadood ayay codayntu socon doontaa waxayna xidhmaysaa fiidka caawa Axadda.

50% shacabku weli may go’aansan cidda ay codkooda siinayaan iyagoo ka aamusay wareegii koobaad ee doorashadan.

Waxa loo badinayaa in Macron uu guul dirqi ah kusoo bixi doono siina hogaamin doono Faransiiska 5-ta sanno ee soo socota.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga