Masaarida ayaa mar kale joob joog ka noqday iyadoo boqoraddoodii hore lagasoo raray meesha ay yaaleen maydadkoodu loona qaaday madxaaf cusub.

Magaalada caasimadda ah ee Qaahira ayaa loogu sameeyay xus ballaadhan iyadoo jidadka la mariyay maydadka boqorada reer Masar ee qarniyo ka hor.

18 boqor iyo 4 boqoradood ayaa xalay loo raray madxafka qaranka ee xadaaradda reer Masar iyadoo lagasoo qaaday madxafka masaarida ee badhtamaha magaalada caasimadda ah ee Qaahira.

Dawladda ayaa xalay xidhay wadooyinka ku dhereran Niil intii uu socday xuska loo qabtay maydadka la raray.

Qolfoof kasta waxa la saaray gaadhi u gaar ah iyadoo qafas lagu ilaalinayo lagu xidhay, waxa loo nashqadeeyay si layaab leh.

Waxa ku jira maydadkan boqorkii ugu danbeeyay ee Faraaciyiinta qarnigii 16-aad nabi ciise ka hor.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga