Dawladda dalka Iiraan, ayaa xabsiyada kasii daysay in kabadan 54,000 oo maxbuus, si bay tidhi looga hortago cudurka Corona oo mar hore ka dillaacay magaalada Wuhan eeĀ  dalka Shiinaha.

Sarkaal sare oo katirsan qaybta garooska Iiraaniyiinta, ayaa warbaahinta u sheegay in maxaabiista laga sii daayay xabsiyada kadib markii la hubiyay inaanay qabin cudurka Corona.

Sarkaalkan ayaa sheegay in aan la sii dayn doonin maxaabiista u xidhan dembiyada la xidhiidha nabadgeliyada kuwaas oo xadhigoodu dhanyahay 5 sanno iyo wixii ka badan, iyadoo warar ay warbaahinta u sheegeen in maxaabiistani yihiin kuwii gaystay falalka dembi ee fudud.

Cudurkan Corona, ayaa ku fiday gudaha dalka Iiraan, kaasoo galaatay nafaha dad aan ka yarayn 77 qof wax ka yar laba todobaad, sida uu maalintii Salaasada wasiirka caafimaadka Iiraan uu sheegay in dadka uu ku dhacay cudurku ay 50% are u kacday.

Guud ahaan dadka uu asiibay cudurka Corona, ayaa cagacagaynaysa 2,336 qof, iyadoo warar hoose sheegeen in tiradu intaa ka badan tahay.

Corona, ayaa sidoo kale asiibay 23 mudane oo katirsan baarlamaanka dalkaasi, iyadoo uu u geeryooday mid kamid ah la taliyeyaasha sare ee hoggaamiyaha Iiraan Ayatullah Khumayni.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga