Dowladda Soomaaliya iyo shirkad Baadha shidaalka ayaa horaanta bisha February waxay magaalada London ku qaban doonaan shir ku saabsan sahminta shidaalka Soomaaliya.

Shirkaas waxaa hadheeyay su’aalo badan oo qaarkood sheegaya in si xaraash ah lagu bixinayo ruqsadda shidaal baadhista Soomaaliya.

Waxaa ugu dambeeyay oo xalay warsaxaafadeed u muuqday digniin ka soo saaray Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarinta oo uu Hogaamiye ka Yahay Madaxwaynihii Horre ee Soomaaliya.

Dhinaca Kale, qaar ka mid ah aqoonyahanada Bartay cilmiga macdanta, dhulka iyo waxa ku jira  ayaa qaba in aan la joogin waqtigii shirkado shidaal ruqsad loo siin lahaa baardhista shidaalka Soomaaliya.

Dhinaceeda Dowladda Soomaaliya ayaa ka hadashay walaaca laga qabo shirkan ku saabsan sahminta shidaalka Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Batroolka Soomaaliya Eng Cabdirashiid Maxamed Axmed oo Waraysi siinayey Idaacadda VOA-da ayaa Beeniyey Wararka Sheegaya in Dowladda Soomaaliya Shirkaasi Ku bixinayso shatiyada shidaal qodista Soomaaliya.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga