Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashada Dadban ee dalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay hakinta natiijada kursiga sumadiisu tahay HOP#45 ee uu ku fadhiyay Wasiirka Batroolka ee xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Go’aankan ayaa yimi kadib markii khilaaf uu ka dhashay heshiisyo uu qalinka ku duugay wasiir Cabdirashiid Maxamed Axmed kuwaas oo uu la galay shirkado shidaalka soo saara.

Muxuu Yahay Heshiisku

Heshiiska muranka dhaliyay ayuu Wasiirka Batroolka ee Soomaaliya saxeexay maalmo ka hor, kaas oo shirkado shisheeye u ogolaanaya in ay soo saaraan shidaalka 7 ceel oo ku yaala dalka Soomaaliya gaar ahaan deegaanada Galmudug, KoonfurGalbeed iyo Jubaland.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Raysalwasaaraha ayaa sheegay in aanay waxba kala socon heshiiska.

Xogo ay warbaahintu heshay ayaa sheegaya in madaxweyne Farmaajo uu la socday heshiisyada, xafiiskiisuna uu fasaxay balse aan la ogayn imika waxa iska bedelay iyo in uu ku ilaashanayo sumcadiisa xili doorasho lagu jiro.

Waxa jirta lacag dhan $7 million taas oo ah xaqqul-qalin laga qaadayo shirkadda, waxaana muddo bil ah lacagtaas gacanta loo galin doonaa dawladda.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga