Golaha Wadatashiga Qaran ee Soomaaliya ayaa kulan yeeshay iyagoo adeegsanaya aaladaha fogaan araga, waxaanay ka doodeen arimo kala duwan.

Raysalwasaare Rooble oo shir gudoomiyay, madaxda maamul goboleedyada iyo gudoomiyaha gudida doorashooyinka heer federaal ayaa qayb ka ahaa.

Kulanka waxa lagaga dooday arimaha doorashooyinka iyo meesha ay wax marayaan, iyadoo warbixin laga dhagaystay gudoomiyaha gudida doorashooyinka.

Waxa la isla qaatay in kulan toos ah ay iskugu yimaadaan Golaha Wadatashiga Qaran, balse lama sheegin wakhtiga rasmiga ah.

Wada hadalka Golaha ayaa imanaya xili  weli aan la xalin khilaafkii u dhexeeyay Farmaajo iyo Rooble.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga