Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya waxa lagu dilay laba qof oo dhalinyaro ah kuwaas oo maydadkooda saaka lagu arkay xaafadda Xamar Jadiid ee Muqdisho.

Wali lama aqoonsan cidda ay yihiin dhalinyarada la dilay iyadoo ay maydkooda qaadeen ciidamada ammaanka oo goobta yimi. Waxa sidoo kale aan la ogayn cidda dishay iyo ujeedada ka danbaysay.

Majiro war kasoo baxay dhanka laamaha ammaanka ee Muqdisho.

Muqdisho waxa maalmihii lasoo dhaafay ka jirtay amni xumo laga dareemayo gudaha magaalada, waxaana shalay oo kaliya la dilay ku dhawaad 10 qof oo si teel teel ah magaalada loogu toogtay.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga