Doorashada madaxtinimada ee dalka Soomaaliya ayaa hadda ka socota magaalada Muqdisho ee caasimadda ah, gaar ahaan teendhada Afisyooni ee gudaha madaarka.

Doorashada arimaha ku cusub waxa ka mid ah in lacagaha la siiyo xildhibaanada ay ku qaadanayaan akoono qaar ka mid ahi.

Madaxtooyada Soomaaliya iyo murashax madaxweyne Maxamed Farmaajo ayaa la sheegay in lacag dhan $150,000 uu siinayo xildhibaan kasta oo raba in uu u codeeyo. Lacagtan ayaanay helin illaa hadda xildhibaanadu iyadoo la sheegay in akoono loogu shubayo.

Murashaxiinta kale uuugu cad cad doorashada ayaa bixiyay lacago gaadhaya $30,000, $40,000, $50,000 illaa $60,000. Lacagahan ayaa iyaga si toos ah loo siiyay xildhibaanada ay codadka ka rabaan murashaxiintu.

Doorashadan ayaa la filayaa in ay noqoto mid adag oo wareega labaad uu tartanka ugu adagi dhex mari doono murashaxiinta usoo gudba.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga