Maanta xarunta Golaha Wakiilada ee Somaliland waxa ka dhacay muran gaadhay gacan ka hadal oo dhex maray xildhibaanada Golaha Wakiilada ee Somaliland.

Arintan ayaa ka dhalatay muran yimid kadib Gudida Furista Ururada oo la hor keenay maanta Golaha Wakiilada Somaliland.

Gudidan ayuu muran ka taagan yahay iyadoo xubnaha qaar lagu dhaliilayo in aanay buuxinin shuruudaha looga baahanyahay, iyadoo dhaliishu ka imanaysa xisbiyada mucaaradka.

Madaxweyne Biixi ayaa raba in ururada siyaasadda la furo balse xisbiyada mucaaradka ayaa doonaya in bisha December wixii ka danbeeya la galo doorashada ururada.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga