Dalka Turkiga waxa ka bilaabmay olole ballaadhan oo ay wado dawladda Turkigu kaas oo looga danleeyahay in lagu beegsado ajaanibta sida sharci darada ah u joogta dalkaas.

Dadka Soomaalida ah ayaa ka mid ah shacabka la beegsaday iyadoo la xidhay tiro Soomaali ah oo lagu eedeeyay in ay sifo aan sharciga waafaqsanayn u joogeen halkaas.

Dhanka kale, ganacsiyo badan ayaa albaabada ay u laabaysaa dawladda Turkigu waxaana ku jira ganacsiyo ay leeyihiin dad Soomaali ahi, iyadoo lafilayoin laga saaro dadkaas gudaha Turkiga. Sababta ayaa lagu sheegay in dhukumantiyada ay sitaan dadkaas iyo shaqada ay qabanayaan aanay is lahayn,sida uu warbaahinta us heegay danjiraha Soomaaliya ee dalka Turkiga.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga