Hadal-haynta weftiga Somaliland ee ku sugan dalka Taywan ayaa sii kordhaysa iyadoo dadka siyaasadda falanqeeyaa ay ku macneeyeen arimo dhawr ah.

Sababaha keenay saamaynta weftigan ayaa lagu sheegay in uu yahaya weftigii ugu cuslaa ee Somaliland ay u dirto Taywan tan iyo markii uu xidhiidhkoodu xoogaystay sanadkii 2020. Waxa kale oo arintan lagu macneeyay marti qaadka ay fidisay madaxweynaha jasiiradda Taywan.

Weftiga ayaa gaadhay magaalada Taipei ee caasimadda Taywan iyadoo soo dhawayn ay kala kulmeen dawladda Taywan. Waxa qaabishay haweenayda maaxweynaha ka ah jasiiradda Taywan, oo khudbad ay jeedisay ku balan qaaday in ay sii wadi doonto iskaashiga ay la leeyihiin Somaliland.

Wasiirka arimaha dibadda ee Somaliland ayaa uga mahad celiyay Taywan sida ballaadhan ee ay usoo dhaweeyeen isagoo carabka ku dhuftay arimaha ay iska kaashan doonaan labada dhinac.

Somaliland iyo Taywan ayaa ah laba waddan oo aan la aqoonsanayn balse iyagu sheegay in ay yagleeleen xidhiidh diblomaasiaydeed.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga