Xalayto waxa koonfurta magaalada Gaalkacayo we xarunta gobolka Mudug lagu weeraray saraakiil ka tirsan ciidanka xooga Soomaaliya. Gaadhi walxaha qarxa lagusoo xidhay ayaa kala beegsaday hotel ay ku sugnaayeen markaas.

Taliye ka tirsan ciidanka Soomaaliya iyo saraakiil sare ayaa gudaha hotelka ku jiray balse waxba kumay noqon iyagu. Khasaaraha intiisa badan ayaa soo gaadhay dad shacab ah iyo ilaalada hotelka iyo kuwa saraakiisha.

Wararka aanu helayno ayaa tilmaamaya in ay socdaan hawlaha gargaarku, balse aan wali khasaaraha dhabta ah la sheegi karin.

SAABTV.COM KALA SOCO WIXII SOO KORDHA

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga