Madaxweynayaasha Somaliland iyo Soomaaliya ayaa maalintii shalay ahayd ku kulmay magaalada Addis Ababa ee caasimadda waddanka Itoobiya, sida ay baahisay idaacadda VOASomali oo xiganaysa ilo lagu kalsoonyahay oo u warramay.

Kulanka Muuse Biixi iyo Maxamed Farmaajo ayaa ahaa mid qarsoodi ah oo aan loo ogalayn in ay cidi goob-joog ka ahaato, iyadoo aan sidoo kale la ogayn waxa ay ka wada hadleen, balse waxa jira qodobo dhawr ah oo markasta miiska yaala marka ay timaado qadiyadda labada dhinac oo muddo dheer jiitamaysa.

Arimaha ugu muhiimsan ee labada dhinac horyaala ayaa ah sii anbaqaadidda wada-hadalka u dhaxeeya oo muddo hakad galay, isla markaana aan la bilaabin tan iyo markii ay labada xukuumadood dhasheen, waa ta Muuse Biixi iyo tan Farmaajo e’. Wada-hadalka ayaa xuddun u ah is-faham mustaqbalka ay gaadhaan labada dhinac, maadaama ay hadda kala taaganyihiin laba mawqif oo aad u kala durugsan.

Fulinta heshiisyadii hore loo galay, iyo in la isla eego arimaha sida guud u saamaynaya labada dhinac ee ka madaxa banaan siyaasadda ayaa iyaguna ka mid ah qodobada muhiimka ah ee hor yaala labada hogaamiye, tahayna in ay markasta isla soo qaadaan hadii kulan imanayo.

Xukuumadda madaxweyne Farmaajo ayaa hadda u diyaar garoobaysa doorashada horraanta sanadka danbe dhacaysa, waxayna rabtaa in ay mar kale kusoo noqoto hoggaanka Soomaaliya. Arinta Somaliland ayaa safka hore kaga jirtay ballan-qaadyadii uu madaxweyne Farmaajo ku galay doorashada markii uu xafiiska imanayay, balse muddo saddex sanno ah oo uu joogay ma uusan bilaabin wada hadalka. Dad badan ayaa qaba in xiligan oo xukuumaddiisu ay doorasho ku mashquulsantahay aan wax badan laga qaban karin qadiyadda Somaliland oo muhiim u ah arimaha Soomaaliya isla markaana la’aanteed aanay waxba soconahayn hadii ay tahay doorashada qof-iyo-codka ah, dastuurka wali qabyada ah iyo xeerar badan oo ku xidhan qadiyaddan.

Madaxweynaha Somaliland ayaa isagu Addis u tagay sidii uu taageero ugu raadin lahaa gooni-isutaaga dalkiisa, waxaana cad in mawqifyada labada dhinac ay aad u kal durugsanyihiin. Ma cada sababta haatan keentay in madaxweyne Biixi uu u qato go’aanka la-kulanka madaxweyne Farmaajo oo uu tan iyo intii uu xafiiska yimi ku durayay hadalo kulul oo dhaleecayn iyo eedo u badan.

Badi heshiisyadii ay hore u wada galeen Somaliland iyo Soomaaliya ayaan fulin, iyadoo labada dhinac ay isku eedeeyeen in qoloba ay ka agabisay fulintooda. Waa caqabad kale oo yaraynaysa is-aaminka labada dhinac ee wada-hadalada mustaqbalka.

Raysalwasaaraha Itoobiya ayaa u muuqda mid isku dayaya in uu dhex-dhexaadiyo labada dhinac, balse arinta caqabadda ah ayaa ah, in muddo bilo ahi ay u hadheen xukuumadda madaxweyne Farmaajo, isla markaana waxay wajahaysaa hubaal-la’aan ah in ay soo noqon doonto. Waa arinta keenaysa shakiga ah in wada-xaajood xiligan lagusoo beegay aanu marna noqon karin mid midho-dhal ah maadaama wakhtigu koobanyahay, qadiyadduna ay tahay mid miisaankeeda ku leh labada dhinacba.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga