Madaxtooyada Somaliland ayaa war kasoo saartay kulankii saaka ee u dhaxeeyay madaxweyne Muuse Biixi iyo madaxda mucaaridka.

Kulanka ayaa lagaga hadlay arimaha doorashooyinka iyo dhibaatooyinka ku gedaaman qabsoomidooda.

Warqad kasoo baxday madaxtooyada ayaa lagu sheegay in ay dhinacyadu la wada hadleen arimo ay ugu muhiimsanyihiin saddexdan qodob:

1. In si wada jira ay hoggaanka axsaabta qaranku uga wada shaqeeyaan waqtiga ugu suurta galsan ee doorashadu ku qabsoomi karto.

2. In sadexda xisbi qaran ka hawl galaan dhammaystirka caqabadaha ku gedaaman qabsoomidda doorashooyinka goleyaasha wakiillada iyo deegaanka.

3. In si wada jira sadexda xisbi qaran u guda-galaan soo jeedintii odayaasha ee arrimaha doorashada.

Dhinacyada ayaa u balamaya kulamo kale oo dheeraad ah kadib marka ay xisbiyadooda lasoo tashadaan.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga