Madaxwaynihii Hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo u Waramayey Telefishanka Codka Bariga Afrika ayaa Markii ugu Horaysay iska Fogeeyay Eedaha ah in uu Wax ka Ogaa Heshiiskii Dekadda Berbera ee ay Wadda Galeen Shirkadda Laga Leeyahay Dalka imaaraatka Caraba ee DPWORLD, Somaliland iyo Dawladda Itoobiya.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Cadeeyay in aanu Gabi ahaanba Arag Heshiiskaasi iyo Waliba Qodobaddii uu ka Koobnaa.

“Heshiiskaas DPWORLD iyo Somaliland Dhex Maray anagu Maan Arag, Waa Nalagu Colaadiyey Anaga Lakiin Xiligii aan Joogay Taladda Dalka ayuu Bilaabmay,”ayuu yidhi Xasan Sheekh Maxamuud.

Eedaha ah in Xasan Sheekh uu Wax ka Ogaa Heshiiskaasi ayaa Soo Bilaabmay Kadib Markii Wasiiru Dawlaha Arimaha Dibadda ee Dawladda Imaaraatka Carabatu uu Sheegay in Heshiiskaas ay La Gadheen Dawladii Hore ee Soomaaliya ka Jirtay Taas oo uu Madaxwayne ka Ahaa Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxwaynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in aanay Diidaynin Wax Kasta ee Dan ugu Jirta Somaliland iyo Soomaaliya Balse Heshiiskaas isaga oon Waxba ka Ogayn Lagu Colaadiyey.

Heshiiska ay Wadda gadheen Somaliland iyo Shirkadda Laga Leeyahay Imaaraatka Carabta ee DPWORLD ayaa Muran Xoogan ka Dhex Dhaliyey Bulshadda Dhexdeeda Kaas oo Salka Ku Haya Qaabka Heshiiska Loo Galay iyo Waliba Waxa Lagu Bedeshay.

Xukuumadda Hadda Taladda Soomaaliya Haysa ee Madaxwayne Farmaajo ayaa Sheegtay in ay Gabi’ahaanba ay Dalka Ka Mamnuucday Shirkadda DPWORLD. Isla Markaana aanay Waxba Ka Jirin Heshiiskaasi.

Qaar Kamida Xisbiyadda Mucaaradka ee Ka Jira Somaliland ayaa Iyaguna ganafka ku Dhuftay Heshiiskaasi Iyagoo Dhaliishooda Sabab uga Dhigay in aanay Xukuumadda Somaliland soo Bandhigin Cadaymo Cad oo Ku Saabsan Heshiiskaasi.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga