Waxa jira warar ay qorayso warbaahinta reer galbeedku kuwaas oo tilmaamaya in hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi ay xaaladiisa caafimaad liidato, kadib qalliino lagu sameeyay.

Warbaahinta reer galbeedka ayaa xiganaysay wargays kasoo baxa dalka Koonfurta Kuuriya oo marki ugu horeysay warka sheegay, balse wargayska ayaa soo saaray warbixin kale oo sixitaan u ah tii hore ee uu baahiyay. Wargayska oo lagu magacaabo Daily NK ayaa markii hore soo xigtay hal il-wareed oo kaliya, sida uu ku xusay warbixintiisa danbe.

Hogaamiyaha saamaynta badan ee Kim ayaa qalliin lagu sameeyay bishan April dhexdeeda iyadoo wadnaha laga qalay. Xaaladiisa caafimaad ayay la tacaalayeen dhakhaatiir u dhalatay dalkiisa, waxaana yar xogaha laga hayo hogaamiyahan.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga