Dhawaanahan waxa jiray warar badan oo la isla dhex marayay kuwaas oo tilmaamaya in dawladda Kenya ay ciidamadeeda kala baxayso gudaha Soomaaliya.

Wasiirka Difaaca ee dalka Kenya oo arintan ka hadashay ayaa sheegtay in aanay waxba ka jirin wararka sheegaya in Kenya ay la baxayso ciidankeeda. Wasiir Juma ayaa xustay in ka-bixitaanka ciidamada Kenya ee Soomaaliya ku sugani ay ku xidhantahay in la helo Soomaaliya ammaan ah, iyo in ciidamada Soomaaliya ay si buuxda gacanta ugu dhigaan amniga dalkooda.

Ciidamada AMISOM ee Midawga Afrika ayay sheegtay wasiirku in ay wax la qabaan ciidamadood, isla markaana aanay ka hor imanahayn qaraarada guud.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga