dadka Qaarkood waxay ku tilmaameen iscasilaada marxalad isbedel”dad kale waxay aminsan yihiin in natiijadu ka dhalatay mowqif aan hore loo arag
Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Hailemariam Desalegn ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay in uu ku guuleysto is Casilaadiisa

 

Hailemariam, ayaa shaaciyay Khamiistii inuu ka kici doono ra’iisal wasaaraha iyo madaxa isbahaysiga talada haya.
Waxa uu ku tilmaamay “daga

 

alada iyo dhibaatooyinka siyaasadeed” ee dalka in ay yihiin qodobo muhiim u ah istiqaaladiisa, kaas oo uu ku tilmaamay inay muhiim u tahay codsiyada lagu doonayo in lagu sameeyo dib-u-habeyn lagu sii wadi karo nabadda iyo dimoqraadiyad u waari kara dalka Ethiopia”
Awol Allo, oo ah khabiir ku takhasusay siyaasada Itoobiya, ayaa sheegay in ku Dhawaaqista is Casilaada Raysal Wasaaruhu aysan ahayn mid aan la filayn, iyada oo xustay in Hailemariam uu sii wadi doono mudo xileed kiisa inta lagasoo dooranayo raysal wasaare cusub.
Caasimada Ethiopia iyo Degaano Kaloo Badan ayaa si aad ah u cakiran, ayuu yiri, isaga oo sharraxay dibad-bax ballaadhan oo ka dhacay gobolka Oromia iyo meelo kale, isaga oo ku baaqay xoriyad

 

Isbahaysiga talada haya, oo kantaroolaya dhammaan kuraasta uu ku leeyahay barlamaanka 547, ayaa ka kooban afar xisbi siyaasadeed oo lagu soo xulay qowmiyado kala duwan: Dhaqdhaqaaqa Dimuqraadiyadda Qaranka ee Amxaarada Oroda Dimoqraadiga ah iyo Jabhadda Tigreega

 

Marka la barbardhigo, dadka Oromada iyo Amxaaraba, kuwaas oo haysta cabashooyin muddo dheer soojiray oo ka dhan ah xukuumadda Raysal Wasaaraha Hada talada ka dagaya oo sheegaya in ay yihiin siyaasad ahaan dhaqaale ahaan iyo bulsho ahaanba in la mamnuucay, in ka badan 61 boqolkiiba dadweynaha.
Dibad-baxyo baahsan ayaa ka soo baxay gobolka Oromia, sannadkii 2015-ka, ka dib markii qorshooyin loogu talagalay mashruuc horumarineed oo ka socda caasimadda, Addis Ababa, la soo bandhigay.
Laakiin banaanbaxyada ayaa si degdeg ah ugu fiday meelo kale oo dalka ka mid ah, oo ay ka mid tahay, ugu badnaan, gobolka Amhara, iyagoo dibad-baxayaashu doonayaan xorriyad siyaasadeed oo ballaadhan iyo sinnaan, iyo sidoo kale xadgudubyada xuquuqda aadanaha.ka dhanka ah
Itoobiya ayaa sidoo kale ku soo rogtay xaalad degdeg ah, oo la qaaday 10 bilood ka dib.
Hase yeeshee, cadaadiska, xukuumadda Itoobiya fuulay ayaa ku kalifay inay sii daayaan kumanaan maxaabiis, oo ay ku jiraan suxufiyiinta, hoggaamiyeyaasha siyaasadda iyo waliba mucaaradka dalka.
Dawladdu waxay sii daysay in ka badan 6,000 oo maxaabiis ah.
Laakiin todobaadkan, dibadbaxyo ballaadhan oo dhalinyaro ah ayaa kiciyay markale xiisada Oromia, iyada oo ay sii socoto xiisad sii kordheysa
Saamaynta dibad baxyadani yesheen ayaan horay loo arag” taariikhda waddanka,
Tani waa dhaqdhaqaaq isku mid ah oo diidan xukuumaddan hada talada ka dagaysa Taas oo xaalad degdeg ah, ku khasabtay in dawladu sii dayso maxaabiista siyaasadeed iyo Waliba mid kale oo ku khasabtay inuu ra’iisal wasaaraha is casilo,
“Dibad-baxani waa waxa keenay isbedelkan xag-jirka ah
Jawar Mohammed, oo ah siyaasi u dhaqdhaqaaqa Oromada oo ku nool dalka Mareykanka oo ah agaasimaha guud ee Oromia Media Network, ayaa guul ku Tilmaamay isbadalka siyaasadeed ee dalka ka dhacaya
Jawar Mohammed ayaa sidoo kale mar uu waraysi gaar-ah siinayay Aljazeera waxa uu sheegay in Is-casilaada ay sidoo kale ka tarjumaysa awood la’aanta xukuumadda “si ay u maamusho ama uga jawaabto si habboon” baahida dibad-baxayaasha, oo ay ka mid yihiin dib-u-habeyn lagu sameeyo dimuqraadiyadda iyo sinnaanta,

 

Laakiin, sida laga soo xigtay Maxamed, qofka loo magacaabo ra’iisul-wasaaraha soo socda waa inuu ahaadaa “dib-u-habeeye oo taageero xoog leh si uu u hirgaliyo dib u habeyn.

 

waxaana golaha wasiirada ee isbahaysiga la filayaa in ay Maanta kulmaan si ay u magacaabaan Raysal wasaare cusub, sida ay sheegtay warbaahinta maxaliga ah.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga