Shirka Wada tashiga ee Soomaaliya ayaa maanta fasax la galiyay iyadoo ay tahay maalin Jimce ah, dalka Soomaaliyana ay u tahay maalin fasax.

Shirka ayaa ahaa mid adkaaday oo doodaha qaar la isku mari waayay kadib markii la gaadhay arimaha amniga doorashooyinka, kaas oo madaxdu ay si wayn ugu kala qaybsameen.

Wasiir ku xigeenka warfaafinta Soomaaliya ayaa sheegay in shirku uu marayo meel wanaagsan oo madaxdu ay arimo badan si wanaagsan uga doodeen.

Habeenimada caawa ayay is arki doonaan madaxdu iyadoo laga wada hadli doono sii socoshada shirka iyo in natiijo laga gaadho bilawga toodbaadka danbe.

Shirka ayaa loogu talo galay in uu socdo muddo 3 maalmood ah balse wuxuu galayaa maalintii lixaad hadii berri lasii wado.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga