Diyaarad nooca helikabtarta ah ayaa ku burburtay bariga dalka sudan, halkaas oo uu ku dhintay badhasaabkii gobolka ay kusoo dhacday, iyo afar  masuul oo kale kuwaas oo ka tirsan dawladda.

Helikabtarka ayaa la arkayay iyadoo dabqabsaday kadib markii uu jiidhay taaawar, xili uu isku dayayay inuu cagadhigto dhulka baaadiyaha ah ee gobolka alqadaaarif, sida ay dad joob joogayaal ahi u sheegeen qaar kamida warbaahinta.

Wali lama sheegin sababta keentay cilada kahor intaaany ku dhicin taawarka.

Dad kale oo dhaawac ah ayaa loo qaaday cisbitaaalada si loo daweeyo, sida ay ku warantay warbaahinta dawladda sudan walaw aanay macluumad kale sheegin.

Dadka dhintay waxa ku jira badhasaabkii gobolka alqadaarif, miqaani saalah, madixii xafiiska badhasaabka, taliye boolis iyo wasiirkii deegaanka ee dalka sudan.

Qalabka ay isticmaalaan milatariga sudan oo ay ku jiraan diyaaradaha qumaatiga u kaca ayaa intooda badan ay kasoo iibsatay midawgii soofiyeeti.

Bishii october sideed qof ayaa dhintay kadib markii ay isku dhaceeen laba diyaaaradood oo marayay dhabaha diyaaradaha ee garoonka magaaladda caasimada ah ee khartuum.

Bishii Sebtember laba duuliye ayaa ku dhintay markii ay laba diyaaradood oo nooca milatariga ahi ay ku burbureen magaalada omdurmaan oo aan ka fogayn magaalda khartuum ee caasimada dalka sudan.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga