Dawladda Maraykanka ayaa gacanta kusoo dhigtay Khaalid Sheekh Maxamed sannadkii 2003- dii, iyadoo loo haysto inuu ahaa maskaxdii nashqadaysay weerarradii Maraykanka lagu qaaday bishii September kow iyo tobonkeedii sannadkii 2001-dii.

Maraykanka ayaa shaaciyay maxkamadaynta shan nin oo uu ku jiro Khaalid Sheekh Maxamed, kuwaasoo loo haysto dembiyo argagixiso iyo dilka in 3000 oo qof, kuwaasoo ay
maxkamadayntooda la qaadi doono bisha Jaanaweri kow iyo toban markay tahay sannadka
2021-ka.

Raggan ayaa noqonaya kuwii ugu horreeyay ee maxkamad lasoo saaro kadib weerarradii ay
dadka badani ku dhinteen ee Maraykanka lala beegsaday sannadkii 2001.

Khaalid Sheekh Maxamed ayaa ku andacoonaya in si joogto ah loo jidh dili jiray, muddada uu ku xidhnaa xabsiga Maraykanka ee Guatanamo Bay.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga