Masar waxay dalbatay diyaaradaha dagaalka casriga ah oo lagu farsameeyay dalka Faransiiska, iyadoo xukuumada Paris heshiis la gashay.

Waa diyaarado dagaal oo heshiiskoodu uu ku kacayo adduun lacageed oo ka abdan $4.5 billion.

Wasaaradda Difaaca ee Maar ayaa qirtay jiritaanka heshiiska iyo in ay dalbatay  diyaaradaha dagaalka Faransiiska, kadib markii warkan lagu daabacay jariiradaha wax baadha.

Wasaaradda Difaaca ayaa sheegtay in ay dayn ku qaadanayso diyaaradahan, isla markaana ay bixin doonto 10-ka sanno ee soo socda.

Waa diyaaradaha Rafale oo ka mid ah diyaaradaha dagaalka ugu casrisan ee imika la isticmaalo.

Masar waxay la wareegi doontaa diyaaradahan kadib heshiiska kasoo baxa maanta oo wefti Masar ka socdaa uu ka dagayo magaalada Paris ee caasimadda Faransiiska.

Dabayaaqada bishii aynu soo dhaafnay ee April ayaa la dhammaystiray is af garadka ku aadan heshiiska lagula kala wareegayo diyraadaha.

Masar waxay sidoo kale la wareegi doontaa madaafiic kale oo lagu qiyaasady qiimahooda $241 million.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga