Itoobiya waxay buuxinaysaa biyo-xidheenka wayn ee dhawaan ay xadhiga ka jari doonto, kaas oo ay ka binaysay meel u dhaw xadka ay Itoobiya la wadaagto dalka Sudan.

Waa tallaabo ay ogaatay dawladda Masar oo hadda digniino hor leh kasoo saaraysa hadii Itoobiya ay ka dhabayso tallaabada u qorshaysan.

Wasiirka Waraabka ee dawladda Masar oo arintan ka hadlay wuxuu sheegay in dawladdiisu ay ka war heshay damaca dawladda Itoobiya ay ku buuxinayso dhaamka. Wuxuu ku tilmaamay tallaabo hal dhinac ah oo kasoo hor jeeda shuruucda caalamiga ah isla markaana jabinaysa qawaaniinta.

Maxamed Cabdil Cati oo warbaahinta kula hadlay Qaahira wuxuu intaa ku daray in xasiloonida gobolka ay halis ku tahay buuxinta biyo-xidheenku.

Wasiirka Waraabka ee Masar wuxuu warqad u diray Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo uu ka dalbaday in ay kulanka maalinta Khamiista kaga hadlaan buuxinta Itoobiya ee biyo-xidheenka ay ka binaysay deegaanka Bameza.

Raysalwasaaraha Itoobiya oo shalay mar uu baarlamanka ka hadlayay wax laga waydiiyay arinta biyo-xidheenka, wuxuu tibaaxay in wadamada ay is hayaan ay tahay in ay fahmaan in dhaamku aanu halis ku ahayn biyaha qaybta ay ka heli jireen, balse uu muhiim u yahay koboca dhaqaalaha Itoobiya.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga