Kumannaan qof oo masaari ah, ayaa jimcihii shalay bilaabay isu soo baxyo ay kaga soo horjeedaan madaxwaynaha Masar Cabdifataax Al-siisi.

Muuqaallo lasoo geliyay baraha bulshada, ayaa muujinayay dadwayne tiro badan oo ku dibad baxaya magaalooyinka dalka Masar, kuwaas oo uu ku jiro fagaaraha taxriir ee caasimadda Qaahira.

Dadka dibad-baxayay, ayaa ku dhawaaqayay ‘’Siisi, is casil, laguuma baahnee na dhaaf’’ iyo weedho lamid ah.

Ciidamo xidhan dharka rayidka, ayaa damcay inay kala kaxeeyaan mudaharaadeyaashii kusoo qulqulayay fagaaraha taxriis, halkaas oo ahayd halkii ay dadku iskugu soo urureen sannadkii 2011-kii, markii xukunka laga tuuray madaxwaynihii muddada badan Masar ka arriminayay ee Xusni Mubaarak.

Mudaharaaddan, ayaa ka dhashay kadib markii nin ganacsade ah oo reer Masar ahi uu sheegay in madaxwayne Mursi iyo saraakiil sarsare oo katirsan ciidamadu ay ku kaceen musuqmaasuq, kuwaasoo oo dhistay guryo badan oo uu isagu wax ka dhisayay.

Ninkan ganacsadaha ah, ayaa u baxsaday dalka Spain, insagoo baraha bulshada soo geliyay muuqaallo uu kaga warramayo sida ay musuq maasuqu u dhacay.

Madaxwayne Cabdifataax Al siisi, ayaa dalka dhoofay, isagoo ku sii jeeda magaalada New York ee dalka Maraykanka, Siisi, ayaa masar madaxwayne ka noqday sannadkii 2013-kii, isagoo afgembiyay madaxwaynihii hore ee sida dimuquraaddiga ah lagu soo doortay Maxamed Mursi, isagoo mamnuucay in mudaharaaddo dalka laga dhigo, dheeraystayna mudadda uu xilka hayn karo oo uu ka dhigay illaa 2030-ka.

 

Axmed Maxamuud Yuusuf, Telefishanka Saab Hargeisa.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga