Afar sanno kadib waxa Masar laga qaaday xaaladdii degdega ahayd ee saarnayd tan iyo sanadkii 2017, markaas oo xaalad deg deg ah lagusoo rogay guud ahaan dalka Masar.

Madaxweyne Cabdulfataax alSiisi ayaa sanadkii 2017 xaaladdan kusoo rogay dalkiisa, isagoo markaas beegsanayay dhammaan kooxaha kasoo hor ejeday iyo kacdoonadii socday ee ka dhanka ahaa xukuumaddiisa.

“Masar waxay noqotay hoyga nabadda iyo degenaanshaha ee gobolka, waxaanay u mahad celinaysaa dadkeeda iyo ciidamada u daacadda ah.” ayuu yidhi madaxweyne Siisi oo ku dhawaaqay go’aanka ay dawladdiisu ku qaaday xaaladda dedega ah.

Waxay ahayd bishii April sanadkii 2017, markii weerar lagu qaaday 2 kiniisadood laguna dilay in ka badan 40 qof, markaas oo xukuumadda Qaahira ay soo rogtay xaalad deg deg ah.

Kooxda Daacish ayaa sheegatay masuuliyadda qaraxyadaas oo dhaawacyo badanina ay ka dhasheen.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga