Hogaamiyayaasah Imaaraadka Carabta, Israel iyo Masar waxay wada hadalo heer sare ah ku yeesheen dalka Masar, iyagoo ka wada hadlay arimo kala duwan.

Danta ugu wayn ee isu keentay hogaamiyayaashan aya lagu sheegay heshiiska la filayo in uu dhex maro Washington iyo Theran, kadib wada hadalada nukliyeerka ee Vienna ka socda oo la filayo in laga gaadho heshiis.

Madaxweynaha dalka Masar wuxuu marti galiyay raysalwasaaraha Israel iyo dhaxal sugaha Imaaraadka Carabta oo Masar booqasho rasmi ahi ay uga bilaabantay.

Ilo ka ag dhow kulanka iyo saraakiil aan magacyadooda la xusin ayaa warbaahinta u sheegay in ujeedada koobaad iyo ajanadaha miiska saarani uu ahaa arinta Iran.

Heshiis ay gaadhaaan Maraykanka iyo Iran ayaa dhabar jab ku noqonaya xulafada uu Sucuudigu ugu tunka wayn yahay ee gobolka Bariga Dhexe.

 

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga