Masaajidka Tawfiiq oo kuyaal magaalada Oslo ee caasimadda dalka Norway, ayaa noqday meel khilaaf xooggani ku dhex maro Soomaalidii dalkaa qaxoontinimada ku gashay, iyadoo dadka qaar sida ay noo sheegeen laysku haystay gacan-ku-haynta masaajidkaasi.
Warar ayaa Saab TV u sheegay in doorasho loo geli jiray gacan-ku-haynta masaajidkan, khilaafka ayaa sii xoogaystay baryihii ugu dambeeyay, balse Sheekh Maxamed Idriis, oo kamid ah culimada Soomaaliyeed ayaa bartiisa Facebook ku sheegay in la dhameeyay khilaafkii masaajidka, waxaanu yidhi sidan:
”Bishaaro asxaabey, waxaan filayaa inaad baraha bulshada bilihii lasoo dhaafay ku aragteen muran xoogaa ka jirey, Masjidkeenna weyn Masjid Tawfiiq ee caasimadda Norway Oslo.
Qofba si uga hadal qof xog ka haya iyo mid aan ka hayn, hayeeshee si dhaw ayaan ula socdey is af garanwaaga ka jirey, oo culimo iyo wax garad badani ku hawlanaayeen. Aniga si gaar ah ayuu qalbiga iigaga yaal Masjidkaasu waxaanan ku tirsadaa mashruucyada ugu fiican ee aan Ilaahay ugu dhowaado kicinteeda iyo dhismeheeda, laga soo bilaabo 2001. Muddo 20 sano ka hor.
Alxamdulilahi waxaan idiin ku bishaaraynayaa in lagu guulaystey xallinta khilaafkii jirey, saacadaha soo socdana la soo afjari doono inshallahu, beryahanba kulamo dhaadheer oo ka socdey Masjid Abubakr ee Drammen, oo ay garwadeen ka ahaayeen midowga maraakista soomaalida ee Norway, Ilaahay mahadiis oo guul ku dhamaatay.
Waxaan Ilaahay uga baryeynaa walaalaha Masjid Tawfiiq, iyo Masaajidda kale ee Norway, gaar ahaan Masjidka Drammen iyo odayaashiisa, in Ilaahay khayrka waafajiyo, dadaalkana ajar iyo xasanaad ka siiyo, wax muslimka oo dhammi ku farxana Ilaahay ku toosiyo, waa maalin jimce, ee dhammaan hal mar aan faataxada u marno”
Ka sakow qoraalka barta Sheekh lagu daabacay, Saab TV si madax-bannaan uma xaqiijin karo in lagu heshiiyay iyo in kale.
Kala soco wararkii ugu dambeeyay Saab TV, waa meesha kuugu dhow ee aad ka heli karto wararkii ugu dambeeyay.