Markabka Fortune layidhaa oo kamid ah kuwa xambaara Shidaalka, ayaa gaadhay bartii uu usocday oo ah dekedda El Palito oo dhacda xeebaha waqooyi dalka Venezuela, kaas oo noqonaya kii ugu horreeyay shan markab oo ay Iiraan leedahay.

Sawirro uu qaaday Satellite-ku, ayaa muujinayay markabkan shidaalka xambaara oo ku xidhanaya dekedda lagu nadiifiyo shidaalka ee El Palito, xilli ay caawinayeen laba taag wax yar uun kadib saqdhexe habeenimo maalintii Isniinta xilliga gudaha dalkaasi.

Wararka ka imanaya koonfur Ameerika, ayaa sheegay in Markabkan ay ilaalinayeen ciidamada badda dalka Venezuela tan iyo markii uu soo gaadhay xadka badda dalkaasi.

Fortune, sida ay wararku sheegayaan waxaa daba afar markab oo kale, kuwaas oo kala ah Clavel, Forest, Faxon iyo Petunia, maraakiibtaasi oo la sheegay inay sidaan 1.5 Milyan oo foosto oo ah shidaal.

Markabkan ugu horreeya ee kusoo xidhay dekedda El Palito, ayaa sida in ka badan 43 Liter oo shidaal ah, inkasta oo Venezuela ay qani ku tahay macdanaha kala duwan iyo tamarta, ayaa haddana waxaa aad u saameeyay cunaqataynaha uu Maraykanku kusoo rogay.

Iiraan, ayaa ku doodaysa in cunaqabataynta uu Maraykanku dalkani kusoo rogay ay saamaysay dadka caadiga ah, warar kale ayaa sheegay inay Venezuela ka iibsanayso Iiraan shidaalka saaran maraakiibtan, haddana labada dalba waxay u beeniyeen si wayn jiritaanka arrintan.

Madaxwaynaha Iiraan Xasan Rooxaani, ayaa hore u sheegay inay Iiraan aargoosan doonto, haddii Maraykanku uu maraakiibtan weeraro marka ay ka gudbayaan badda Atlantic, taasi oo aan dhicin.

 

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga