War ka soo baxay Taliska ciidamada Militariga Mareykanka ee Afrika ee loo yaqaano Africom ayaa lagu sheegay in ay fuliyeen weerar cirka ah oo lala beegsaday ururla Alshabaab,ka dib markii ay Al shabaab weerar ku qaadeen Ciidamadda Dowlada Federaalka.

Weerarkan xagga cirka ah ayaa laga fuliyay meel qiyaas ahaan 40-KM Waqooyi Bari kaga beegan magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubadda Hoose, waxaana lagu dilay 9-Askari oo ka tirsan Al shabaab.

Qoraalka ka soo baxay Ciidamada Mareynkanka ee Africom,ayaa lagu sheegay in duqeynta aanay wax khasaaro ah ka soo gaadhin dad rayid ah,balse uu ku koobanaa Ururka Al-Shabaab.

Mareykanka ayaa sii Kordhiyey weerarada lagu bartilmaameed-sanayso horjoogayaasha Ururuka Alshabaab.

Dowladda Soomaaliya oo garab ka heleysa Wadamadda caalamka ayaa dar dar gelisay duqeymaha iyo weerarrada ay ururka Alshabaab kula beegsaneyso goobaha ay dalka Soomaaliya kaga sugan yihiin.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga