Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay in muddo 30 sanno kaddib ay safaaradeedii u rarayso magaalada Muqdisho, iyada oo markii hore kusii shaqaynaysay magaalada Nairobi.

Safiirka cusub ee Soomaaliya Donald Yamamoto ayaa durbaba ka hawlgalaya safaaradda Mareykanka ee Muqdisho.

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Marekanka,Heather Nauert ayaa sheegtay in soo celinta joogitaankooda diblomaasiyadeed ee Soomaaliya ay tahay mid taariikhi ah oo ka turjumeysa horumarka Soomaaliya.

“Waa tallaabo horey loogu qaaday in rasmi laga dhigo wada-shaqeynta diblomaasiyeed ee Mareykanka uu la leeyahay Muqdisho”. ayaa lagu yidhi warka wasaaradda arrimaha dibadda Marekanka oo inta ku daray in tallaabada uu Mareykanka qaaday ay dhigan tahay sida Mareykanka ay uga go’an tahay xoojinta xasiloonida, dimuquraadiyadda iyo horumarka dhaqaale ee danta u ah labada dal.

Madaxweynaha Marekanka, Donald Trump ayaa usoo magacaabey horraantii sanadkan danjire Donald Yamamoto, inuu noqdo safiirka Marekanka u fadhiya Soomaaliya,kaasoo bishii la soo dhaafay uu waraqadihiisa aqoonsiga ka guddoomay madaxweyne Farmaajo, kaddib munaasabad ka dhacday gudaha xerada Xalane.

Mareykanka ayaa si rasmi ah u aqoonsatay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya sanadii 2013, hase yeeshee waxaa howl-galkeeda diblomaasiyeed ee Soomaaliya fadhi u ahaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Bishii Jannaayo ee sanadkii 1991-dii ayuu Marekanka xiray safaaradii uu ku lahaa Muqdisho, kaddib markii uu dagaal sokeeye ka billowday Soomaaliya,, markaasi oo diyaarado milatari ay Soomaaliya kasoo qaadeen safiirkii Mareykanka iyo shaqaale kale.

Xog-hayihii hore ee arrimaha dibedda Mareykanka, John Kerry ayaa intii uu ku guda jiray booqasho lama filaan ah oo uu Soomaaliya ku tagay sanaddii 2015, waxa uu sheegay in Mareykanka uu dib u billaabi doono hanaan uu dib ugu billaabayo joogitaan diblomaasiyeed oo joogto ah.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga