Dawladda shiinaha ayaa wada qorshayaal ay ku samaysanayso hub casri ah, sida lagu sheegay baadhitaan ay samaysay waaxda difaaca maraykanka ee pentagonka loo yaqaano.

Warbixinta oo ay samaysay qaybta sirdoonku ayaa lagu sheegay in shiinuhu ay sanadihii danbe guulo ka gaadheen casriyaynta hubka iyo sii xoojinta awoodooda milatari.

Shiinaha ayaa la sheegay in uu samaystay gantaalo casri ah oo ah kuwa iskaga goosha qaaradaha iyo gantaalada xadiga dhexe. Gantaalahan cusub ayay warbixintu xustay in ay ka dheeraynayaan jabaqda ama codka, isagoo shiinuhu horumar ka smaynaya xaga tiknoolajiyada.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in shiinuhu maanta leeyahay mid ka mid ah kaydka hubka ee dunida ugu casrisan, halka hubka qaarna uu isagu hogaaminayo.

Horumarka milatari ee uu shiinuhu ka samaynayo dhanka cirka, badda iyo tiknoolajiyada hawada sare ayaa dalkan ku yaala bariga qaarada eeshiya u saamixi kara in uu ka dhabeeyo hadaftiisa ku wajahan gobolka uu dhaco, sida lagu xusay warbixinta.

Tusaale ahaan qulqulada ka dhaxaysa dawladda taiwan, oo   ay xukuumadda beijin u aqoonsantahay qayb ka mid ah dhulwaynaha shiinaha, halka taiwanna ay sheegato dawlad madaxbanaan.

Sarkaal sare oo ka tirsan sirdoonka maraykanka oo wartabiyeyasha kula hadlayay xarunta pentagonka ayaa muujiyay walaaca ay ka qabaan awoodda shiinaha ee sii fidaysa, isagoo intaa ku daray in saraakiisha shiinuhu ay isku qancin karaan in ay awood ahaan weerar ku qaadaan jasiirada taiwan.

Wabixinta ayaa tibaaaxday in shiinuhu uu qariyo horumarka uu ka sameeyo dhanka milatariga, isagoo leh xarumo waawayn oo cilmibaadhista lagu sameeyo kuna yaala dhulka hoostiisa, Kuwaas oo ay adagtahay in dayaxgacmeedku helo ama sawiro.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga