Dawladda Maraykanka Ayaa Maalintii Isniinta Sheegtay in ay 5.200 Askari u Daad-Guraynayso Xadka ay La Leedahay Dalka Mexico, Iyadoo Qulqulka Muhaajiriinta uu Kor usii Kacayo, Waxayna Tiradani Ka Badantahay Intii La Filayay Isagoo Madaxweyne Trump Kor U Qaadaya Dedaalada uu Ku Joojinayo Dadka Soogalootiga Ah, Ka Hor Doorashada Xiliga Dhexe Ee Dhacaysa 6-da Bisha November.
Daad-Gureynta Ayaa Abuuri Doonta Waajibaad Ciidan Oo La Mid Ah Kan Maraykanka Ee Ciraaq, Isagoo Maamulka Trump Isha Ku Haya Qulqulka aan Kala-Go’a Lahayn Ee Muhaajiriinta oo Sii Dhex-Maraya Dalka Ku Yaala Waqooyiga Ameerika Ee Mexico Si ay Cagaha u Dhigaan Waddanka Maraykenka.
Janaraal Terrence Oshaughnessy Oo Ah Madaxa Ciidamada Ilaalada Xuduudaha Ee Maraykanka Ayaa Sheegay In 800 Oo Askari ay Ku Jiraan Jidka, Si ay uu Gaadhaan Xadka Teksas Halka Qaar Kalana ay Ku Sii Jeedaan Xadka Kaalifoorniya Iyo Arizoona.
Madaxweyne Trump Ayaa Doorashadii Madaxtinimada Ee 2016-Ka Sheegay In uu Joojin Doono Muhaajiriinta Sida Sharci-Darrada Ah usoo Galaya Dalka Maraykenka, ayada oo Tallaabooyinkan uu Imika Qaadayaana ay u Muuqdaan Qaar uu Xisbigiisa Jamhuuriga ugu Raadinayo Taageero Doorashada Xiliga Dhexe Ee Maraykanka Si uu u Helo Aqlabiyadda Baarlamanka.