Dawladda Maraykanka ayaa beenisay inay wax shaqo ah ku lahayd waxay ay saraakiisha dalka Venezuela ay ku tilmaameen inuu ahaa isku day Afgembi kaas oo ka dhacay dalkaasi isla markaana ahaa mid fashilmay.

Xoghayaha gaashaandhigga Maraykanka ninka layidhaa Mark Esper, ayaa waxaa uu warbaahinta u sheegay inaanayd dawladda Maraykanku wax lug ah ku lahayn waxaa ka dhacay dalkaasi Venezuela maalmihii lasoo dhaafay.

Madaxwayne Maduro madaxwaynaha dalkaasi Venezuela ayaa sheegay maalintii Isniintii inay qabqabteen muwaadiniin Maraykanka ah kuwaas oo sida uu sheegay la shaqaynayay saraakiil hore ugu tirsanaa ciidamada Militariga Maraykanka saraakiishaasi oo qirtay hawl-galka.

Madaxwayne Maduro waxaa uu sheegay in dawladda Maraykanku ay si buuxda ugu lug lahayd hawl-galkan fashilmay.

Madaxwayne Donald Trump-ka dalka Maraykanka ayaa beeniyay eedaymaha uu usoo jeediyay Mr. Maduro isagoo ku tilmaamay kuwo aan sal iyo raad toona lahayn.

Muwaadiniinta u dhashay Maraykanka oo lakala yidhaa Luke Denman iyo Airan Berry, ayaa ahaa kuwo hore uga tirsanaa ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee dalka Maraykanka kuwaas oo lala xidhiidhiyay shirkad dhanka ammaanka ka shaqaysa oo fadhigeedu yahay gobolka Florida ee dalka Maraykanka, balse waxaa la qabtay markii ay soo cagadhigteen xeebaha dalkaasi Venzuela.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga