War kasoo baxay wasaaradda gaashaandhigga ee dalka Maraykanka ayaa lagu sheegay in aanay Maraykanka u qorshaysnayn in uu ka baxo gudaha waddanka Ciraaq.

Warkan ayaa imanaya xili la isla dhex marayay in maalmaha soo socda uu Maraykanku bilaabayo in uu daad-gureeyo ciidamadiisa ku sugan gudaha Ciraaq.

Pentagon-ku waxay xustay in aanay jirin meel ay uga aag-bedelanayaan Ciraaq.

Sarkaalka ugu sareeya ciidamada Maraykanka ee Ciraaq ayaa dalbaday in uu ciidamada ka bedelo goobta ay degenyihiin si ay marka danbana u qorsheeyaan bixitaan rasmi ah.

Warqadda oo ay warbaahintu aragtay ayuu Jeneraalku sidoo kale kaga codsaday waaxda gaashaandhigga in ciidamada Ciraaq laga saaro, maadaama ay baarlamanka Ciraaq u sheegeen in ay si kama-dambays ah u baxaan.

Xiisadda gobolka Bariga Dhexe ayaa kacsan wixii ka danbeeyay dilkii Jeneraal Qaasim Sulaymaani, xili la filayo weeraro ay Iran ku qaado goobaha Ameerikaan ee Bariga Dhexe.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga