Maraykanku wuxuu markii ugu horaysay ugu baaqay kooxda Xuutiyiinta in ay wada hadal la galaan dawladda Yemen iyo dhinacyada ay is hayaan.

Waa baaq imanaya kadib markii ay xukuumadda Washington joojisay taageeradii ay siin jirtay boqortooyada Sucuudiga iyo xulafada ay wadatay ee dagaalka ka waday Yemen kanasoo hor jeeday Xuutiyiinta awoodda la wareegay.

War kasoo baxay wasaaradda arimaha dibadda ee Maraykanka ayay Washington ku sheegtay in ay wada hadal dhiiri galinayso. “Xuutiyiintu waa in ay joojiyaan weerarada ay bilaabaan wada hadal. Weerarada Xuutiyiintu waa kuwo aan la aqbali karin oo halis badan” ayuu yidhi afhayeenka wasaaradda arimaha dibadda ee Maraykanku.

Xuutiyiinta Yemen waxay kordhiyeen weerarada ay ku qaadayaan gudaha Sucuudiga kuwaas oo keenay in illaa shalay sare u kac laga dareemo suuqyada saliida dunida, kadib dhaawacyo ay gaadhsiiyeen qaar ka mid ah ceelasha saliida Sucuudiga.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga