Maraykanku wuxuu balanqaaday in uu jibaari doono taageerada milatari ee uu siiyo jasiirada Taywan, kadib cabsi xoogan oo jasiiradda uga timi Shiinaha.

Waa 3 maalmood kadib markii uu Biden la wareegay hogaanka Aqalka Cad oo Taywan ay ka werwersanayd in ay wax iska bedeli doonaan taageeradii baaxadda lahayd ee maamulkii hore uu siin jiray. Balse xafiiltanka u dhaxeeya Washington iyo Beijing ayay ka macaashaysaa Taywan oo dabada galinaysa Maraykanka.

8 ka mid ah diyaaradaha bambooyinka tuura ee Shiinaha iyo afar ka mid ah diyaaradaha dagaalka ayaa ka gudbay aaga difaaca hawada ee Taywan.Waa tallaabo soo dadajisay go’aanka Washington ee in ay sii kordhin doonto taageerada difaac ee ay siiso jasiiradan Shiinaha kala kulmaysa cadaadiska xoogan balse aan si dhiibin.

Wali ma jiro war kasoo baxay dhanka Shiinaha. Balse waxa cad in marna aanu Shiinuhu raali ka ahayn taageerada Maraykanku siinayo Taywan. Wuxuu marar badan oo hore ku tilmaamay faragalin maadaama jasiiradan uu sheegto lahaanshaheeda.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga