Dawladda Maraykanka ayaa war kale kasoo saartay weerarkii saddex maalmood ka hor ay alShabaab ku qaaday deegaanka Ceelbaraf.

Weerarka waxa lagu dilay illaa 40 askari oo Burundi u dhashay iyadoo 20 kale lagu dhaawacay balse alShabaab waxay sheegatay tiro 170 askari ka badan in ay dishay.

Afhayeenka Wasaaradda Arimaha Dibadda ee Maraykanka Ned Price wuxuu sheegay in dawladdiisu ay ka tacsiyaynayso Burundi weerarkaas, isagoo intaa ku daray in ay taageero la bar bar taaganyihiin.

Maraykanku wuxuu mar kale muujiyay sida uu uga xun yahay mashaqada halkaas ka dhacday.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga