Dawladda Maraykanka ayaa markii ugu horaysay sheegtay walaaca ay ka qabto kooxda alShabaab iyo awoodda kooxda oo sii kordhaysa.
Taliyaha ciidamada Maraykanka ee Afrika ayaa sheegay in alShabaab ay heshay awoodo dheeraad ah iyo koritaan kadib markii ciidamada Maraykanku ay ka baxeen gudaha Soomaaliya.
Waraysiyo uu bixiyay taliyaha AFRICOM ayuu ku sheegay in alShabaab ay awood u leedhaya in ay weerarto Washington, sida uu isagu aaminsanyahay, loona baahanyahay in ciidamadii Maraykanka si dhakhso ah loosoo celiyo.