Safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya, ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in safiirka Maraykanka ee Soomaaliya Amb. Donald Y. Yamamoto, soo dhawaynayo heshiiska ay wada-gaadheen dawladda federaalka Soomaaliya iyo hoggaanka Ahlu-Sunna.

Qoraalkan, ayaa lagu xusay in dawladda Maraykanku taageerayso dadaallada Soomaaliya lagaga dhigayo meel nabad ah oo xasilloon, qoraalka ayaa sidoo kale lagu yidhi:

”Waxaan aqoonsan nahay dadaallada dib-u-heshiisiinta ee ka jiro dalka oo dhan iyo sidoo kale tanaasulka adag ee ay sameeyeen labada dhinac ee ku saabsan qaabka doorashada iyo qaybsiga wakiilnimada baarlamaanka, waxaanna dhiirigelineynaa hirgelinta heshiiska.

Galmudug waa gobol muhiim u ah horumarka mustaqbalka Soomaaliya, Safaaradda Mareykanka waxaa ka go’an fududeynta gargaarka bini’aadminimo, kaalmada amniga, iyo horumarka dhaqaale ee dadka reer Galmudug”

Nuqulkan warsaxaafadeed, ayaa waxaa uu soo gaadhay warbaahinta Goobjoog, taas oo uu Saab TV kasoo xigtay.

Kala soco wararkii ugu dambeeyay Saab TV, waa meesha kuugu dhow ee aad ka heli karto warar xaqiiqada ku sal leh.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga