Maraykanku wuxuu taageero u muujiyay xidhiidh cusub oo dhawaan u bilaabmay Somaliland iyo jasiiradda Taywan, waana markii ugu horaysay ee uu arintan ka hadlo.

Qoraal kasoo baxay Golaha Ammaanka Qaranka ee Aqalka Cad ayaa lagu sheegay in wax wayn ay tahay in Taywan ay xulafo kale hesho. Maraykanka ayaa xusay in uu soo dhawaynayo xidhiidhka ay Taywan la yeelanayso Bariga Afrika oo uu ku tilmaamay mid aad loogu baahnaa.

Tallaabada xukuumadda Washington ayaa mar kale wiiqi karta xidhiidhka ka dhaxeeyay xukuumadda Beijing oo marar badan oo hore ay isku qabteen arinta Taywan. Maraykanka ayaa taageero siiya jasiiradda aan aqoonsiga haysan, balse dhaqaalaha leh ee Taywan, taas oo keentay in Shiinuhu uu si wayn uga biyo diido taageerada Maraykanka oo uu u arko faragalin dhulkiisa uu ku sameeyay. Shiinuhu wali kamuu hadal arintan.

Somaliland iyo Taywan waxay isu magacaabeen wakiilo kala matali doona labada dawladood, arintaas oo Shiinaha iyo Soomaaliya ka cadhaysiisay.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga