Dawladda Maraykanka ayaa soo dhawaysay xabbad-joogin ay ku dhawaaqeen ciidamada federaalka eee Itoobiya, taas oo ka dhaqan galaysa gobolka Tigray.
Abiy Axmed ayaa ciidamadiisa kala baxay Mekelle, caasimadda Tigray, halkaas oo ay gacan ku haynteeda la wareegeen ciidamada Tigraygu.
Maraykanka ayaa hore ugu hanjabay madaxda Itoobiya in uu la xisaabtami doono, maadaama tacadiyo badani ay ka dhaceen gobolka.
Qaramada Midoobay iyo wadamo kale ayaa sidoo kale soo dhaweeyay tallabada xukuumadda Addis Ababa.