Maraykanka ayaa ku amaanay madaxweynaha Afqaanistaan ​​Ashraf Ghani in uu wadahadal la furo Talibanka.

“Waxaan mar walba sheegnay in cabashooyinka sharciga ah ee ay qabaan Taliban ay ku Badasho cadaaladda Xukuumada Afgaanistan, musuq-maasuqa, ka hor- arrimahaas ayaa loo baahan yahay in la xalliyo,” ayuu yidhi Sarkaal Sare oo Maraykan Ahi Mar Uu shir jaraa’id qabtay Washington.

Toddobaadkii hore, madaxweyne Gani wuxuu soo jeediyay wadahadalka nabadda ee Taliban iyada oo la eegayo aqoonsiga kooxda, oo la dagaalamayay ciidamada Mareykanka iyo Afqaanistaan ​​muddo 16 sano ah,

maraykanka ayaa soo dhaweeyay qorshaha Madaxwaynaha Afgaanistaan, isagoo sheegay in shirkii Kabul lagu qabtay uu ahaa “dhacdo taariikh Ah.

Ururka Taalibaan ayaan wali si rasmi ah uga jawaabin dalabka Lagu Doonayo Wada Hadalada.

Balse Pakistan waxa ay Ku leedahay door aad u muhiim ah geeddi-socodka nabadda, waxaana la aaminsanyahay in Pakistan ay gacan ka geysan karto fududeynta wadahadalada iyo in ay qaaddo tallaabooyin cadaadis ku saaraya kuna dhiirri-galinaya Taalibaan in ay horey ugu sii socdaan dejinta heshiis siyaasadeed oo lagu xallinayo Dagaalada.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga