Maraykanka ayaa markii ugu horaysay afar sanno kadib wuxuu kordhinayaa tirada muhajiriinta uu qaato sanadkii, kadib cambaarayn wayn oo uu wajahay sanadadii lasoo dhaafay.

Xukuumadda Joe Biden ayaa rabta in ay tobanaan kun oo muhaajiriin ah qaadato imika, iyadoo meesha ka saaraysa siyaasadihii mamnuucayay muhaajiriinta ee maamulkii Trump.

Qaxootiga uu imika Maraykanku qaato ayaa ah 15,000 oo qof iyadoo imika wixii ka danbeeya la gaadhsiin doono tiro ka badan 62,000 oo qof.

Joe Biden wuxuu sheegay in qaxootiga la xakameeyay aanay ka turjumahayn isla markaana muujinahayn wax uu ku sheegay qiyamka Ameerika.

Sanadka danbe ayay dhaqan galayaan siyaasadaha cusub ee maamulka Joe Biden, iyadoo laga cabsi qabo saamaynta ay ku keeni doonto dadka tirad badan ee ku xanibnaa xadka Mexico iyo kuwa weli kasoo haajiraya saboolnimada Koonfurta Ameerika oo dalka Vanezuela uu ugu horeeyo.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga