Ciidamada badda ee Mareykanka ayaa sheegay galinkii dambe ee Salaasadii in markab kuwa dagaalka ah oo ay leeyihiin, kaas oo noociisu yahay burburiye haga gantaalaha USS Winston S. Churchill uu gacanta ku dhigay shixnado sharci darro ah kuwaasi oo iskugu jira hub iyo waxyaabaha hubku ka kooban yahay.

Ciidamada badda Maraykanku waxay sheegeen, in ay hubkani wadeen laba doonyood oo yaryar isla markaana ay gacanta ku dhigeen intii lagu jiray howlgalka amniga badaha ee biyaha caalamiga ah ee ka baxsan xeebta Soomaaliya.

Maraykanka ayaa sheegay in Hawlgalku uu dhacay muddadii u dhexaysay wuxuu dhacay 11-12-kii bishan February.

Hubka la qabtay ayaa sida ay ciidamada Maraykanku sheegeen, wuxuu ka koobnaa kumanaan qoryaha fudud ee AK-47 ah, qoryaha culus ee wax lagu shiisho, qoryaha darandooriga u dhaca iyo qoryaha loo adeegsaday iska caabitanta xooggan. Waxyaabaha kale ee hubka ka koobnaa waxaa ka mid ahaa foostooyin, keydiyeyaal, aaladaha indhaha iyo nidaamyada hubka.

Navy-ga Maraykanku ma ay sheegin barta uu dhab ahaantii hubkan ka yimi, balse wakaaladda wararka ee Anadolu oo uu Saab TV soo xiganayo, ayaa sheegtay in saraa’kiil Soomaali ah, kuwaas oo diiday in magacooda la sheegaa u sheegeen in hubka laga yaabo inay soo iibsadeen kooxda Al-shabaab oo gacan-saar la leh kooxda Al-qaacida.

Lieut. Travis Dopp, oo ah kaaliyaha hogaamiyaha AIT ee saaran markabka qabtay hubkan ee Churchill, waxaa uu amaanay waxa uu ku sheegay inay tahay shaqo wanaagsan ee ay ciidankiisu qabteen 

“Waxaan ku faraxsanahay inaan saameyn togan ku leenahay badbaadada iyo amaanka ciidamada isbaheysiga anagoo ka hortageyna shixnadaha gargaarka halista ah,” ayuu raaciyay.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga