Militariga dalka Mareykanka ayaa sheegay in duulimaadyadii dhanka militari ee Shiinaha, kuwaasi oo todobaadkii lasoo dhaafay ay ka samaynayeen badda koonfurta Shiinuhu,”marnaba” khatar gelin duulimaadyada diyaaradaha dagaalka Maraykanka ee gobolkaas, balse Maraykanka ayaa Beijing ku eedeeyay, khalkhal-gelin iyo dhaqan qallafsan.

Markabka diyaaradaha xambaara ee  “Theodore Roosevelt Carrier Strike ayaa sida ay sheegeen taliska Militariga Maraykanka ee Pacific-gu si wayn  si dhow ula socday dhamaan howlaha ciidmaada Shiinaha ee gobolkaas, kuwaasi oo ay ku jiraan ciidamada cirka, Maraakiibta Ciidamada Mareykanka, Diyaaradaha, ama Badmaaxiinta,” Taliska Milatariga Mareykanku sheegay, inaanay wax khatar ah ku hayn Shiinuhu. 

Sarkaal Mareykan ah oo magaciisa qariyay ayaa sheegay in diyaaradda Shiinuhu xitaa soo gaadhin, meel u jirta 463 Km kuwa badda Maraykanka. 

Dawladda Shiinaha ayaa sheegatay ku dhowaad dhammaan biyaha macdanta hodanka ku ah ee Koonfurta Shiinaha, halkaas oo uu ka dhistay xeryo milatari jasiirado macmal ah. Maxkamadda caalamiga ah ee xallinta khilaafaadka Hague, ayaa ku tilmaamtay sheegashada Shiinaha mid aanay waxba ka jirin. 

Brunei, Malaysia, Filibiin, Taiwan iyo Vietnam ayaa iyana sidoo kale sheegta qaybo kamid ah baddaas, iyadoo biyahanina ay noqdeen, ubucda xidhiidhka ka dhexeeya Maraykanka iyo Shiinaha. 

Mareykanku wuxuu si joogto ah ugu eedeeyaa Shiinaha xagjirnimo, iyo inuu isku dayayo in badda Koonfurta Shiinaha uu ku cabsi geliyo dalalka ay deriska yihiin ee ku yaalla qaaradda Eeshiya., baddaasi ayaa waxaa la sheegay inay ku kaydsan yihiin saliid iyo gaas badan.

 

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga