Madaxweynaha Marekanka,Donald Trump ayaa hoos u dhigay tirada qaxootiga uu dalkiisu qaabilayo sannadka 2019 , wuxuu qorsheeyay tiro 30,000 qaxooti ah taas oo ka dhigeysa tiradii ugu yareyd ee Marekanka uu qaabilo.

Trump, wuxu go’aankan ka dhigay madaxweynihii ugu horreeyay Marekanka ee qoondeeya tirada ugu yar ee qaxooti ah tan iyo bishii sagaalaad ee sannadkii 2011kii, markaas oo 27,131 qaxooti ah loo ogolaaday in ay Maraykanka galaan.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Mike Pompeo oo shaaciyay go’aanka madaxweyne Trump, wuxuu sheegay in Maraykanku uu hadda howshooda wado in ka badan 280,000 oo magangalyo doon ah sannadka 2019.

Barnaamijka qaxootiga ee Maraykanka ayaa la sameeyay sannadkii 1980kii, sanadkii uu Marekanka qaabilay qaxootiga ugu badan waxay ahayd sannadkii 2016 markaas oo ay galeen 84,995 oo qaxooti ah, halka sannadkii 2007 oo ahaa waqtigii ugu tiro yaraa waxaa Marekanka galey 48,282 qaxooti ah.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga