Dibad-baxyada ayaa kusii xoogaysanaya qaar ka mid ah magaalooyinka waawayn ee dalka Maraykanka, iyadoo ay dadku ka gadoodeen dilka nin madaw ah oo aan hubaysnayn kaas oo booliska magaalada Minneapolis ay dileen.

Boqollaal qof ayaa iskugusoo baxay bannaanka Aqalka Cad ee dalka Maraykanka, iyagoo dalbanaya in uu cadaalad George Floyd oo gacanta booliska ku baxay.

Booliska iyo dadka mudaharaadaya ayaa magaalooyinka qaar isku dhacay, iyadoo gudaha Minneapolis uu boobka ganacsiyadu hadh-beelay.

Maxkamadda Minneapolis ayaa sarkaalka dilay ninkan aan hubaysnayn waxay ku maxkamadaysay in uu dil gaystay, iyadoo isaga iyo afar sarkaal oo kale oo kiiska kula jiray laga eryay shaqada. Maalinta Isniinta ayuu mar kale maxkamadda kasoo muuqan doonaa.

Madaxweyne Donald Trump oo dhacdada ku tilmaamay mid ‘argagax leh’ ayaa sheegay in uu la hadlay qoyska ninka la dilay.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga